Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha B/Jabuuti oo khudbad ka jeedin doona Xarunta BFS (Muxuu ka hadlayaa)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa lagu wadaa in maanta uu ka qeyb galo Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay in maanta Ajendaha kulanka uu yahay Khudbad jeedin lagu casuumay Gudoomiyaha baarlamaanka Jabuuti.

Guddoomiye Xaamud oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho, ayaa kulanka Xildhibaanada ka jeedin doona khudbad ku saabsan xiriirka labada Baarlamaan iyo horumarada ay ku talaabeyso Somalia.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud, ayaa sidoo kale Khudbadiisa diirada ku saari doona hanaanka uu u shaqeeyo Baarlamaanka Somalia iyo talaabooyinka laga sugaayo inay horay u qaadan, iyagoo garab muuqda ka helaaya dowlada Jabuuti.

Geesta kale, Guddoomiye Xaamud oo khamiistii soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa booqday Saldhiga weyn ee ciidamada Jabuuti ku leeyihiin Magaalada Baledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this