Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Oo Maanta Khudbad Ka Jeedinaya Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah uu khudbad ka jeediyo xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka xildhibaannada shacabka ay leeyihiin ayuu hadl dheer oo uu kaga hadlayo xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti ka jeedin doonaa, waxaana sidoo kale uu soo hadal qaadi doonaa guddoomiye Xaamud taageerada ay dowladda Jabuuti la garab taagan tahay Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa khamiistii soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna Jimcihii shalay booqday magaalada B/weyne oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka socda dalkiisa .

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this