Deeq A. Posted November 25, 2017 Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo waxay ka sameeyeen deegaanno dhowr ah oo hoostaga degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose. Guddoomiyaha degmadaasi Aadan Cumar Madoobe oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana deegaannada ay tageen aysan la kulmin wax dagaal ah oo dhanka Al-shabaab kaga yimaada. Wuxuu sheegay iney soo qabteen dad lagu tuhmayo iney falal amni darri maleegayeen, haatanna baaritaan ay ku wadaan. Guddoomiye Aadan ayaa ulajeedka howlgalkaan wuxuu ku sheegay iney tahay oo kaliya sidii loo xaqiijin lahaa amniga dhammaan deegaannada ku dhow degmada Baraawe. Ugu dambeyn, guddoomiye Aadan Cumar Madoobe ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin dheeraad ah ka bixiyo tirada dadka lagu soo qabtay howlgalkaan. Goobjoog News Source Share this post Link to post Share on other sites