Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Kenya uga dhigan tahay gooni u goosashada Ahmed Iman?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Nairobi ayaa aad u hadal heysa warar sheegaya in dowlada Kenya ay walaac xoogan ka muujineyso gooni isutaaga Kooxda argagixisada ee uu Hogaamiyo Ahmed Iman, ee qeybta ka ahaa al-Shabaab.

Warbaahintu waxa ay sheegtay in walaaca ugu weyn uu yahay in Kenya ay marti galiso burbur hadda bilow ah, sababo la xiriira in maleeshiyaadka Ahmed Iman ay is baraan dowlada uu hadda Hogaamiyo Uhurro Kenyatta.

Warbaahinta oo qaarkood xiganaaya Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka Kenya ayaa sheegay in gooni u goosadka maleeshiyaadka Ahmed Iman ay Dowlada Kenya uga dhigan tahay burbur iyo xasil daro bilow ah.

Saraakiisha la xigtay ayaa sheegay in go’itaanka Ahmed Iman iyo maleeshiyadiisa ay Kenya u noqoneyso culeys hor leh oo kusoo rogmay maadaama ay hadda yar tahay dhibaatada Kenya uga imaada garabka Ahmed Iman ee ka gadoodsan al-Shabaab.

Dhibaatooyinka Kenya ay kala kulmi doonto gooni isutaaga Ahmed Iman ayaa waxaa kamid ah:

1-Koror ku imaada weerarada iminka ka dhaca gudaha iyo daafaha Kenya.

2-Weerarada ay al-Shabaab ka dhex fulin jireen gudaha Kenya oo u gaar noqon doona Ahmed Iman iyo maleeshiyadiisa.

3-Weerarada Goobaha Ganacsi, Xarumaha dowlada iyo Goobaha lagu fiidsado ee Kenya oo joogta noqon kara.

4-Kenya oo marti galin doonta bixinta canshuuro u gaar ah Ahmed Iman iyo maleeshiyaadkiisa, taa oo laaluush ku noqon doona Ganacsatada si ay uga badbaadan weeraro.

Sidoo kale, waxaa suuragal ah in al-Shabaab qudhooda ay dhabar jab ku noqoto gooni iskutaaga Axmed Imaan, iyadoo ay hubaal tahay in hoos u dhac ballaaran uu ku imaan doono awooda militari ee maleeshiyaadkaasi gaar ahaan kuwooda weerarada ka geystay deegaanada saaran xaduuda u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Kenya ayaa ku howlan xal ay uga hortageyso in Axmed Imaan uu kusii ballaarto Kenya, maadaama uu iminkaba heysto maleeshiyaad aad u badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this