Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay oo si kulul u cambaareeyey weerar ka dhacay Masar.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres,ayaa si kulul u cambaareeyey weerar lagu qaaday masjid ku yaalla dalka Masar oo ay ku dhinteen ugu yaraan 230 ruux,110 kalena ay ku dhaawacantay.

Weerarka ayaa ka dhacay masjid lagu magacaabo Al Rawdah oo ku yaalla galbeedka degmada El Arish oo ka tirsan gobolka Sinai ee Waqooyiga dalka Masar,waxaana weerarka lagu bilaabay qarax lagu beegsaday dad ku jiray salaaddii jimcaha,halkaasoo in ka badan 40 dagaallame oo hubaysan rasaas ku fureen qaraxa kadib.

Masjidka waxaa ku cibaadaysanayey dariiqada suufiyada oo gacan saar la leh ciidamada amniga,kuwaasoo si weyn uga horjeeda mintidiinta xagjirka ah ee gobolka. Weerarkan ayaa lagu tilmaamay kii ugu xumaa ee taariikhda Masar inta la xasuusto.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan,hayeeshee dowladda Masar ayaa ku eedaysay mintidiinta jihaad-doonka ah ee gobolkaasi.

Madaweynaha Masar ayaa kulan deg deg ah la qaatay wasiirada Difaaca iyo Arrimaha gudaha ee dalka oo ay weheliyaan madaxda Sirdoonka,waxaana lagu dhawaaqay baroor diiq qaran oo saddex maalmood ah.

PUNTLAND POST

The post Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay oo si kulul u cambaareeyey weerar ka dhacay Masar. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this