Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn Diyaaradeed Oo Ka Dhacday Gobolka Jubbada Hoose iyo faahfaahin ku saabsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoosingow  (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan  Tuulada Baqdaad oo hoostagta Degaanka Hoosingow ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal ay duqeeyeen,waxaana la sheegay in Duqeynta lala beegsaday Saldhig Al-shabaab ay halkaas ku lahaayeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Dhowr Gantaal lagu dhuftay Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Tuulada Baqdaad,waxaana la tilmaamay in ay jiraan Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka hoosingoow ayaa waxa ay sheegeen in ka hor inta asyan dhicin duqeynta ay arkeen Diyaarado jog hoose ku socda oo dulmarayay deegaanka Hoosingow ee Gobolkaasi Jubabda Hoose.

Inkastoo aan sirasmia ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaas ayaa hadana Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in duqeyntaas lala helay Saldhigii ugu weeynaa Al-Shabaab ee deegaanka laanta Booni.

Duqeyntaan xalay ka dhacday Galbeedka Hoosingow aya ku soo aadeysa xili habeenimadii Khamiista ee la soo dhaafay ay Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen Saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin degmada dhoobley ee isla gobolka Jubbada hoose.

Sikastaba Al-Shabaab weli kama hadlin duqeyntaas,oo an weli la shacin cida ka dambeysa.

Diyaaradaha aan Cidna wadin ee Mareykanku leeyahay ayaa Duqeymo Xariir ah ka fuliyay Gobolada ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya,waxaana ugu dambeeyay Duqeyntii ka dhacday Duleedka Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay oo lagu dilay 100 Dagaalame.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this