Sign in to follow this  
Deeq A.

FAAHFAAHIN iyo warar dheeraad ah oo kasoo baxaya dagaal qaraar oo 5 qof ay Gaalkacyo ugu dhinteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Fahfaahin iyo warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta labo malleeshiya beeleed ku dhex maray magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug. Saraakiisha laamaha amniga Gaalkacyo, ayaa xaqiijiyay in dagaalkii maanta ay ku dhinteen ugu yaraan 5 ruux, oo labo kamid ah ay ahaayeen Askar kamid ah ciidamada isku-dhafka ee ka kala socda Galmudug iyo Puntland ee loo xilsaarey amaanka magaalada. Dagaalka ayaa billowday saaka saacadihii hore kadib markii ganacsato kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland ay ku murmeen Bakhaar lagu iibiyo cuntooyinka oo dhawaan laga dhisay halka loo yaqaano Cir-toogtaha ee Suuqa Gaalkacyo. Muranka ayaa dhaliyay dagaalka, iyadoo malleeshiyaad ay kala wateen Ganacsatada reer Puntland iyo kuwa Galmudug ay foodda is-dareen, kuwaasi oo mudo saacado ah ku dagaalamay Suuqa, iyadoo labada dhinac uu iska hor-imaadka kasoo gaarey khasaaro. Ma jirto war kasoo baxay Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalkii maanta ee Gaalkacyo, balse ciidamada isku dhafka ayaa kala dhex-galay labada dhinac, iyagoo ku guuleystay in xaaladda caadi kusoo celiyay gelinkii dambe. Magaalada Gaalkacyo ayaa ah xudunta colaadda Puntland iyo Galmudug oo mudo ka badan 20 soo jeetamaysay, iyadoo ay fashilmeen heshiisyo nabadeed oo ay galeen hogaamiyaashii hore iyo kuwa hadda talada haya ee labada dhinac.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

niyoow that is what happens when everyone has a gun. you just call your family members after a business dispute and they come with their guns and the group becomes "militia" automatically. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this