Sign in to follow this  
Deeq A.

27 Ruux oo ku dhintay dagaal ka dhacay Koonfurta Suudaan.

Recommended Posts

Deeq A.   

27 ruux ayaa la dilay,kadib markii Fallaagadu ay weerareen ciidamada dowladda Koonfurta Suudaan,sidu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda hoose Khamiistii.

Saddex kamid ah Ciidamada dowladda iyo 24 dagaallame oo daacad u ah hoggaamiyaha Fallaagada Riek Machar ayaa lagu dilay dagaal Arbacadii ka dhacay gobolka koonfureed ee Liech,sida uu Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay Wasiirka Warfaafinta Peter Makouth Malual.

Af-hayeenka Fallaagada Lam Paul Gabriel, ayaan ka hadlin dhimashada dagaalka. Wuxuu sheegay in uu isku dayayo in uu gaaro taliyaasha ciidanka ee halkaas.

Debloomaasiyiin iyo falanqeeyaal ayaa u sheegay Reuters horraantii bishaan in aysan u badneyn,in wada-xaajoodkii nabadda uu markale bilowdo si loo soo af-jaro dagaal ay ku dhinteen tabanaanka kun ee abuuray dhibaatada weyn ee qaxootiga.

 

PUNTLANDPOST

The post 27 Ruux oo ku dhintay dagaal ka dhacay Koonfurta Suudaan. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this