Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Somalia oo dib u saxday qaladaadki ku jiray warbixintii Qaraxii Zoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Amniga ee Dowladda Somalia ayaa saxday xog qaldan oo ay baahisay 14kii bishaan oo la xiriirtay Qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee Zoobe, labo ka mid ah shaqaalaha shirkadda Hormuud oo xogtii hore lagu sheegay iney yihiin Ragga Al Shabaab u qaabilsan Qaraxyadda ayey hadda Dowladdu ka laabatay waxeyna ku sheegtay iney ahaayeen ragii gaariga TM-ka ahaa damiintay.

Sidda aad ku arki kartaan linkiga hoose ee wakaaladda wararka Qaranka Somalia ee Sonna ,sidoo kalana aad ka aqrisan kartaan warbaahinta oo dhan xiligaan waxaa ay wasaaradda Amnigu tiri sidan hoose.

http://sonna.so/archives/344107

(Sawir malahan)- Mukhtaar Gar-dhuub oo loo yaqaanno Ceynaan ama Fanax waa madaxa Amniyaadka Al-shabaab waa ninkii dajiyey qorshaha xasuuqii Soobe, waxa uu ku sugnaa deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose waa lagu daba jiraa.

(Sawir malahan)- Cabdiweli Cabdi-qani waa madaxa Qaraxyada gobolka Benaadir ee Al-shabaab, waxa uu amarka ugu dambeeya ka qaataa Mukhtaar Gar-dhuub waa lagu daba jiraa.

Labadaan meelood ee ay ku qoran tahay sawir malahan waxaa warbixintii 14kii bishaan soo baxday loo isticmaalay sawiradda Cabdiweli Axmed Diiriye iyo Mukhtaar Maxamuud Xasan oo ka mid ah shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo lagu tilmaamay ninkii dajiyay qorshihii qaraxii Zoobe iyo wakiilka qaraxyadda Al-Shabaab, waxaa arki kartaan oo aan lifaaqa soo galiyay xogtii uu xiligaas baahiyay wasiirka warfaafinta ENG Yariisow.

Cajiib, hadda wasaaradda Amnigu waxey sheegtay in labadda nin ee ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay gaariga daminteen , Cabdiwali waxaa la sheegay in damiintiisa la aamini waayay laakiin Muqtaar markii uu soo hadlay sidaas lagu fasaxay, warbixinta kuma xusna xiliga ay gaariga damiinteen.

Hadaba sidee labo nin oo xiran loogu qalday labo nin oo maqan oo hadda la yiri waa lagu dabo joogaa, magacyadda koowaad ha isaga ekadaan laakiin isku abtirisiimo ma’ahan, Ragg la aqoonsan waayay ma’ahan oo waa rag magaaladda joogay, sidee loogu kalsoonaan kara laamaha amniga Dowladda oo qalad nuucaan ah galay, sidee nin aan sawir laga heynin maalin walba loo lee yahay waa madaxa qaraxyadda Al Shabaab waana ku raad joognaa, dabagal bilaa sawir ah waa nuucee, ragaas ay Dowladdu sumcadii ka dishay oo hubsiimo la’aanteeda ay Al Shabaab uga dhigtay maxey mag dhow u lee yihiin ?

Si walbaba warbixintaan waxey niyad jab ku tahay shacab badan oo hada arkaya sida fudud ee maalin walba eeda loo saaro dad masaakiin ah xili dambiilihii uu banaanka joogo, tani waa aqoon xumo amni oo cad waana ku ceeb dadka Dowladda Amniga ku matala iney meesha sii joogaan.

yarisow.jpg?resize=540%2C960muqtar.jpg?resize=640%2C640Abdi-wali.jpg?resize=300%2C283

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this