Deeq A. Posted November 23, 2017 Gaalkayo (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas uu hadda ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada Labada maamul ee magaalada maamula. Suuq lagu magacaabo Darxumo oo ku yaalla Bartamaha magaalada ayaa la sheegayaa in ay ku dagaallamayaan ciidamo kala hoostaga labada Maamul Goboleed. Rasaastaas ayaa waxa ay sigaar ah ug dhaceysaa Suuqa Bartamaha Gaalkacyo ,waxaana la sheegay in ay u dhaxeyso Maleeshiyaad ka kala socda Puntland galmudug oo tiro ka dhowr jeer ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo. Xaalada ayaa kacsan, waxana dadka qaarkood ay sheegeen in ay cabsi dareemaayan. Weli macada sababta ka dambeysa dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashay. Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites