Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti, Maxamed Cali Xumad iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta oo khamiis ah waxay soo gaareen magaalada Muqdisho, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa wafdigan kusoo dhoweeyay garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Xumad ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho wuxuu la kulmi doonaa madaxda sare ee dowladda Federaalka, waxaana sidoo kale isaga iyo wafdigiisa ay maalinta Sabtida ah ka qeybgali doonaan kulanka xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jabuuti safar ku soo gaaro magaalada Muqdisho.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this