Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator Qeybdiid Oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo doorashadii ka dhacday 13-kii bishan degaannada Somaliland.

Wuxuu sheegay in reer Somaliland uu ugu hambalyeeynayo doorashadani iyo qaabka ay u mareen.

“Marka hore waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo doorashada ay reer Somaliland ay doorteen madaxweynahooda cusub, walaalaheen oo tartankii ay ku tartameen Saddex xisbi, umadda Soomaaliyeed oo dhan ee guushii meeshaas ka dhacday, deganaantii iyo sharaftii, Soomaali oo dhan ayay hambalyo u tahay waana isku hambalyeynaynaa, waxaan u hambalyaynayaa walaalkeey Muuse Biixi oo loo doortay madaxweynaha Somaliland” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Dhanka kale, Senator Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax badan ka baran karto doorashada Somaliland isagoo sheegay in Somaliland ay muujiyeen wax wanaagsan oo Soomaaliya taariikh fiican u ah.

Halka hoose ka dhagayso wareysiga:

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this