Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog laga helay Shabaab oo gubay gaari ay ciidanka Uganda la socdeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Buufow (Caasimadda Online) – Ururka Al Shabaab, ayaa galabta Gobolka Shabellaha Hoose ku gubay mid ka mid ah gaadiid ay wateen Ciidanka Militariga Uganda, ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Ciidanka Uganda ayaa marka ay marayaan inta u dhaxeysa Buufow Bacaad Iyo Ceelwareegow waxaa lala eegtay weerar culus iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal aad u culus.

Wararka, ayaa sheegaya in qaraxaasi uu burbur soo gaarsiiyay gaarigaasi, sidoo kalena ay waxyeelo ka soo gaartay dhawr askari oo gaarigaasi saarnaa.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan, ayaa waxaa xigay rasaas ay dhawr jiho u furayn Ciidanka Uganda, inkastoo aan la soo sheegin cid wax ku noqotay rasaastaasi.

Dadka deegaanka, ayaa waxay sheegeen in qaraxa iyo rasaastuba ay baqdin ku abuurtay, balse ay mahdinayaan in labaduba aanay waxyeelo ka soo gaarin shacabka.

Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka Al Shabaab, ayaa sheegtay in qaraxaasi uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga haggo.

Xoogaga Amisom oo xiray wadada qaraxa lagula eegtay gaarigooda, ayaa u gurmaday askartii ku waxyeelooday qaraxaasi, waxayna goor dambe halkaasi ka jiiteen gaarigii laga gubay.

Gelinkii dambe ee Talaadadii shalay, ayay ahayd markii Shabaabku ay qarax miino la eegteen gaari xamuul ahaa oo ay leeyihiin Ciidamada Amisom, xilli uu maraayay duleedka Degmada Baraawe.

Gaarigan ayaa lagu galbinaayay gawaarida dagaalka ee Amisom, iyadoo gaadiidkaasi aanay waxyeelo ka soo gaarin qaraxaasi, marka laga reebo gaarigii xamuulka ahaa ee lala beegsaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this