Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Safar Shaqo ku Tagay Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo_SPM_Arbaco-3.jpg?resize=824%2C5Baydhabo (PP) ─  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa safar shaqo oo u-kuurgelid ah ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha Dawladda Federaalka, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Axmed Shiikh Aadan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dadweynaha Koonfur Galbeed soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen, wuxuna sheegay inta uu deegaanka ku sugan yahay inuu wax badan ka baran doono.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqday Jaamacadda Khayre ee degmada Baydhabo, waxana halkaasi uu kula hadlay ardeyda Jaamacadda dhigata oo ku dhiirigeliyey iney sii wataan waxbarashadooda.

Ugu dambeyn, Intii uu joogo magaalada Baydhabo, Ra’iisul Wasaare Khayre waxa uu la kulmi doonaa golayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Baydhabo_SPM_Arbaco-1.jpg?resize=825%2C5Baydhabo_SPM_Arbaco-2.jpg?resize=824%2C5Baydhabo_SPM_Arbaco-4.jpg?resize=822%2C5Baydhabo_SPM_Arbaco-5.jpg?resize=831%2C5Baydhabo_SPM_Arbaco-6.jpg?resize=825%2C5Baydhabo_SPM_Arbaco-7.jpg?resize=825%2C5Baydhabo_SPM_Arbaco-8.jpg?resize=825%2C5Baydhabo_SPM_Arbaco-9.jpg?resize=824%2C5

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Safar Shaqo ku Tagay Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this