Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xildhibaan Abuukaare:  Askarigii iyo Qorigaba Waxaa Ku Wareejiyay CID

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Maxamud Abuukaate oo dilka maanta loo geystay xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed kala hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in uu la socday gaariga hore, kadibna uu gadaal uga soo dhuftay gaariga marxuumka.

waeyaa6

“ Gaariga inta uu igu dhicin ka hor ayey askarta la hadleen marxuumka, si ay u istiaajiyaan isagana waa uu diiday” ayuu intaasi raaciyay.

waryaa4

Xildhibaan-ka Abuukaate waxaa uu sheegay in marxuum xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed uu la soo baxay Bistoollad kadibna askarta toogteen, halkaasina qadar alle ka dhacday.

waryaa2

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Maxamud Abuukaate oo ka tirsan golaha shacabka waxaa uu  Goobjoog News u sheegay in askarigii dilka geystay iyo qorigiisaba uu ku wareejiyay CID.

Dhinaca kale, sida  uu Goobjoog News u sheegay Xildhibaan Garaad Yusuf Maxamed oo ka tirsan Galmudug Marxuum Xildhibaan Maxamed Cabdi waxaa uu ahaa keligiisa, waxaa xabad ku riday askari ilaale ahaa.

Hey’adda C.I.D ayaa lagu wadaa in ay baaritaan ku sameyso waxa dhacay, si loo ogaado sida ay wax u dhaceen.

waryaa3waryaa2waryaa1waeyaa6

Warar Arrintan ku saabsan mar kasta kala soco, Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this