Sign in to follow this  
Deeq A.

After the Somaliland election, the UAE starts the construction of its Berbera military base

Recommended Posts

Deeq A.   

Berbera-port-somaliland.jpg?resize=600%2

 

Koox injaneerro ah oo fadhigoodu yahay magaalada Dubai ayaa shaqada dhisamaha bilaabay kadib markii la siiyey  qandaraas ku kacaya $90 malyan oo Dollar bishii April ee sannadkaan,sida uu sheegay Cabdullaahi darwiish Agaasimaha Maamulka  ee shirkadda. Saldhigga oo laga dhisayo meel u dhow magaalada dekadda leh ee Berbera,ayaa la filayaa in la dhammaystiro bisha June ee sannadka 2018,sida uu sheegay Darwiish. Berbera waxay ku taalla Gacanka Cadmeed,waxayna 260km u jirtaa koonfurta dalka yemen,halkaasoo ciidamada Imaaraadka carabta iyo Is-bahaysiga sacuudigu kula dagaallamayaan Fallaagada Xuutiyiinta. Wasiirka Arrimaha debadda Somaliland ayaa bishii May ee sannadkaan sheegay in Imaaraadku ay ka kiraysteen garoonka diyaaradaha magaalada Berbera muddo 25 sano ah,iyadoo heshiiska u qayb ka yahay saldhig militari. Sidoo kale waddamada Khaliijka ayaa saldhgyo militari ka dhisanaya waddanka Eritrea.

 

Saldhigga dherarkiisu waa 300 mitir, oo u samaysan sida xaraf-ka(L),iskamarkaana hoos u qodan cabbir 7 mitir ah”si uu taageero garoonka militari“,waxaana loogu talo galay maraakiibta isaga gudbaya gacanka Cadmeed,sida uu sheegay Darwiish. “Maaha deked ganacsi,keliya waxaa loogu talo-galay maraakiibta badda“,yuu yiri Darwiish.

 

Wasiirka arrimaha debadda ee Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaan durbadiiba ka jawaabin laba wicitaan mobile-ka iyo laba email oo aan u dirnay,si aan arrintaan wax uga weydiinno. Sidoo kale mas’uul ka tirsan wasaaradda Arrimaha debadda Imaaraadka Carabta oo aan wax ka weydiinnay ayaan ka jawaabin.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this