Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Islow Oo Labo Hindise Sharciyeed Horgeynaya Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah uu golaha shacabka horgeeyo Hindise sharciyeedyada la dagaalanka argagaxisada iyo xakameynta hubka wax dilo oo ay soo diyaarisay wasaaraddiisa.

Waxa uu wasiir Islow uu xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka hor akhrin doonaa Labadan hindise sharciyeed.

Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u meelmariyey Labadan Sharci, waxaana golaha shacabka iyaguna laga doonayaa markii ay dhameeyaan akhrintiisa iney codka u qaadaan.

Labadan Hindise sharciyeed ayaa ah kuwo aad ugu muhiimsan amniga guud ee dalka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkena kale

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this