Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar arrin oo sabab u ah in Shabaab ay si sahlan ku hesho hubka dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya Hubka usoo daga dowlada Federaalka ee gala gacanta maleeshiyaadka al-Shabaab ee sida aadka ah uga soo horjeeda amniga iyo xasilooni ka dhalata Somalia.

Hubka dowlada qeybahooda kala duwan ayaa iminka ku jira gacanta maleeshiyaadka al-Shabaab, waxaana xusid mudan in qaarkood laga faramaroojiyay ciidamada dowlada.

Noocyada Hubka dowlada ee gala gacanta al-Shabaab ayaa waxaa kamid ah Sida Sabanka, AK47 iyo Qoriga Dhashiikaha ee ku dul-xirma gaariga dagaalka ee Soomaalidu u taqaan Cabdi-bilaha.

Hubka dowlada ee gala gacanta al-Shabaab ayaa waxaa sahla asbaabaha kala ah:

1-Xuquuq la’aanta heysata ciidamada dowlada oo sahashay iibsashada Hubkooda.

2-Alshabaab oo xubno qarsoon iyo kuwo muuqda ku dhex leh dowlada Federaalka, taa oo fududeysa in Alshabaab ay hantaan wax waliba oo ku jira gacanta dowlada.

3-Taliyayaasha iyo Saraakiisha ciidamada qaarkood oo ay wada shaqeyn hoose kala dhexeyso al-Shabaab, taa oo dhiirigalin iyo hami gaara galisay argagixisada.

4-Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqalaha kasoo goostay al-Shabaab ee xilalka loo dhiiba oo kusii kordhaaya dowlada.

Sidoo kale, waxaa la qiray in maleeshiyaadka al-Shabaab ay ka hub badan tahay Dowlada Somalia, kadib markii dagaalamayaasha Kooxda ay dhaqan iyo caado ka dhigteen inay ugaarsadaan ciidamada Hubka wata.

Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaa u muuqaneysa mid aan ku baraarugin dhibta ay Shabaabka ku hayaan dalka iyo dadka, waxaana xusid mudan in maleeshiyadu ay ka kaaftoomeyso Hub dheeri ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this