Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga waddani oo aqbalay in doorashada looga adkaaday.

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharraxa Xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa aqbalay natiijada dodorashadii la qabtay 13 bishaan ee Galabta lagu dhawaaqay in uu ku guulastay Muuse Biixi Cabdi,musharrixii Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ayuu Cirro ka sheegay in uu aqbalay natiijada soo baxday,isagoo ilaalinaya danta iyo midnimada Somaliland,sida uu hadalka u dhigay.

“Anigoo u turaya danta guud ee shacabka islamarkaana diiddan in dhiig la’ daadiyo ayaan aqbalay natiijada doorashada”,ayuu yiri Mr. Cirro.

Wuxuu sheegay in uu aqoonsanyahay madaxweynaha la doortay uuna ka shaqeyn doono danta umadda Somaliland .
Hadalka Cirro ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii uu qaaddacay natiijada doorashad oo uu ku tilmaamay mid lagu shubtay.

PUNTLAND POST

The post Xisbiga waddani oo aqbalay in doorashada looga adkaaday. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this