Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka hadlay Duqeyn ka dhacday G/Baay oo mar qura ay ku dileen 100 Alshabaab ah (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraala oo kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Diyaaradahooda ay Duqeyn ka fuliyay Somalia, gaar ahaan deegan hoostaga Gobolka Shabellaha Hoose.

Duqeynta ayaa la sheegay in lala beegsaday Saldhigyo ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku leeyihiin Deegaanka Buur-Ceelcade oo u dhaxeeya Diinsoor iyo Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in duqeyntaasi oo lagu guuleystay lagu dilay maleeshiyaad dhan 100 oo isugu jiray kuwo hubeysan iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan argagixisada nabad diidka ah ee Alshabaab.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka ay sii joogteyn doonaan weerarada ay ku hayaan Alshabaab meel walba oo ay ku tuhmaan sida xarumaha tababaraha iyo saldhigyadoodaba.

Dowladda Mareykanka ayaa laba jibaartay ciidamada ka joogga Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo sidoo kale kooxda dowladda Islaamka Faraceeda ku sugan Buuraleyda Galgala ee maamul goboleedka Puntland.

Dhinaca kale, duqeyntan oo la sheegay inay dhacday tobankii subaxnimo ee saaka ayaa noqoneysa tii ugu khasaaraha badneyd.

IMG_20171121_2038441.jpg?resize=696%2C53

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this