Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar arrimood oo horyaalla madaxweynaha la doortay Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddiga doorashooyinka jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbnaannida ee Somaliland ayaa shaaciyay in Muuse Bixii oo ku guuleystay doorashadii madaxtinnimada Somaliland ee dhacday 13-kii bishan.

Cadbiqadir Imaan Warsame Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in musharraxa xisbiga Kulmiye uu helay 55% codadkii la dhiibtay.

Biixi ayaa waxaa horyaalla arrimo badan oo ay tahay in uu wax ka qabto, si uu u kasbado kalsoonida shacabkii soo doortay iyo xitaa kuwa aan u codeyn ee deegaannada Somaliland. Arrimaha muhiimka ah waxaa ka mid ah qodobbada hoos ku xusan.

Arrimaha Gudaha

Muuse Biixi waa nin muddo ku dhex jiray siyaasadda Somaliland. Waxa ugu horreeya ee hor yaalla waa sidii uu u midayn lahaa kala qoqobnaanta siyaasadeed iyo tan xagga qabaa’ilka ee ka dhex jirta Somaliland. Bil matal, magaalada Hargaysa waa magaalo qabiil ahaan iyo siyaasad ahaan u kala qaybsan koofur iyo waqooyi.

Sidaas si le’eg, magaalada labaad ee Somaliland, Burco, waxay u kala qaybsan tahay Bari iyo Galbeed. Madaxdii isaga ka horraysay wax weyn kama qabanin kala qoqobnaantaas. Isla ayadaas ayey nabadda ku dul dhiseen, taasoo si fiican u shaqaysay, su’aashuse waxay tahay ilaa intee ayey nabadda, hannaanka qabaa’ilka iyo siyaasaddu isla socon karaan?

Ictiraaf raadin

Waxa ugu weyn halkan waa Somaliland ay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeeda kale sanaddii 1991. Farsamo ahaan, weli dunida waxay u aqoonsan tahay hal dal. Qariidada dunida weli laguma darin Somaliland, dalalka jaarka la ahna maba aysan aqoonsan, inkastoo ay ku qaddariyaan nidaamka iyo kala dambaynta iyo hannaanka dawliga ah ee ka jira.

Ugu yaraan, waxa ugu weyn ee horyaalla Muuse Biixi iyo xukuumadiisa waa inay xal u helaan deegaannada lagu muransan yahay ee u dhaxeeya iyaga iyo Puntland, iyo in meel fiican la gaarsiiyo wadahadallada kala dhaxeeya dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Waxaa laga war dhowrayaa waxyaabaha uu sameyn doono sidii u dardan gelin lahaa ictiraaf raadinta oo ah qadiyad ay ku mideysan yihiin dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Somaliland.

2020 iyo Furitaanka Xisbiyada

Gabdho saf ugu jira in ay codeeyaan Gabdho saf ugu jira in ay codeeyaan

Tobankii sanaba mar baa la furaa xisbiyada Somaliland in hoggaankooda loo tartamo. Labo sano ka dib waxaa la filayaa in hoggaanka xisbiyada uu isbeddel ku yimaado oo wejiyo cusub ay hoggaanka qabtaan. Sidii uu ugu diyaargaroobi lahaa mowjadaas ku soo socota ee la saadaalinayo inay galaafan doonto ugu yaraan mid ka mid ah raggii ay wada tartameen waa arrin qorshihiisa wakhtiga fog wax ka tari karta.

Wax qabad

Waa waxa ay dadku hoggaanka ku doortaan, hoggaanna uu bulshadiisa ugu adeego. Waxaa looga fadhiyaa in uu ka dhabeeyo ballanqaadyadii uu sameeyey xilligii uu ku jiray ololaha doorashada.Waxaa ka mid ah waxaa ka mid ah wax ka qabashada shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Somaliland taasoo ku qaaday in dhalinyro badan oo reer Somaliland ah ay tahriibaan.

Xigasho: BBC Somali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this