Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo gacanta ku dhigtay Rag Shabaab u qaabilsan Qaraxyada & Saldhigyo la burburiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada, gaar ahaan kuwa Kumaandooska ay gacanta ku dhigeen dhalinyaro maleeshiyaadka al-Shabaab u qaabilsan dhanka Qaraxyada.

Ciidamada ayaa maleeshiyaadkan ku qabtay howlgal si gaar uga dhacay degaan lagu magacaabo Danwale oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada Danab ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadka la qabtay ay al-Shabaab u qaabilsanaayen Qaraxyada, isla markaana xiliga la qabanaayay ay ku howlanaayen fulinta Qaraxyo.

Howlgalka lagu qabtay maleeshiyada ayaa waxaa barbar socday howlgal kale oo isna lagu qabtay 16 maleeshiyo kuwaasi oo qaarkood ay sheegeen in ay yihiin rag Shabaab u qaabilsanaa howlgala khaaska ah.

Sidoo kale, ciidamada ayaa intii ay howlgalkan ku guda jireen burburiyey saldhig ay maleeshiyada ku lahaayeen degaaanka Danwale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Geesta kale, howlgalkan lagu qabtay maleeshiyaadkan Muhiimka ah ayaa waxaa ka qeybqaatay Saraakiil cadaan ah, waxa uuna bartilmaameedka ahaa Saldhiga iyo Maleeshiyada Qaraxyada diyaarineysay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this