Sign in to follow this  
Deeq A.

Taariikh Nololeedka Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Kooban

Recommended Posts

Deeq A.   

Muse_Bixi_Cabdi_SL-President.jpg?resize=Hargeysa (PP) ─ Madaxweynaha Cusub ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ku guuleystay doorashadii dhacday 13-kii bishan ayaa ku dhashay Miyiga Magaalada Hargeysa sannadkii 1948-kii, waana 69-jir.

Biixxi wuxuu sheegay inuu Waxbarashadiisii Qur’aanka, Dugsiga Hoose iyo Dhexe-ba uu ku qaatay magaalada Hargeysa. Dugsiga Sare ee Cammuud oo ku yaalla Magaalada Boorama ayuu ka qalin-jabiyay Sannadkii 1970-kii, kaddibna wuxuu ku biiray ciidamada cirka ee Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa bishii May ee sannadkii 1985-kii ku biiray jabhaddii SNM ee dagaalka kula jirtay Dawladdii Maxamed Siyaad Barre, waxaana markii ay bur-burtay Dowladdii dhexe ee Somalia, isla markaana Somaliland ay ku dhawaaqday goonni-isu-taaggeeda ayuu ka qabtay xilal kala duwan.

Sannadkii 1993 ayaa loo magacaabay Wasiirkii Arrimaha Gudaha Somaliland ee Dowladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Wuxuuna Wasaaradaas hayay muddo oo uu kusoo caan-baxay.

Dhanka kale, Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka mid noqday guddigii fulinta, markii la aasaasay xisbiga KULMIYE bishii May ee 2002-dii, isagoo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad loo doortay sannadkii 2008-dii, Waxaana guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE loo doortay 10-kii November 2015-kii, kaddib shir-weynihii xisbiga, waxaana loo xushay inuu noqdo musharraxa xisbiga.

Ugu dambeyn, Wuxuu ku hadlaa Luqdaha Ingiriiska, Carabiga, iyo Ruushka. Wuxuu Jaamacadda Hargeysa ka dhammeeyay Shahaadada sare ee cilmiga xallinta khilaafaadka intii u dhexeysay 2008-dii illaa 2010-kii.

PUNTLAND POST

The post Taariikh Nololeedka Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Kooban appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this