Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Taariikhda Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimadda Online) – Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay natiijada doorashada Somaliland, waxaa ku guuleystay Muuse Biixi Cabdi,

Sida ay xisbiyada u kala heleen cododka:

Xibiga Kulmiye ayaa helay (305,909) 55.19%

Xisbiga Wadani ayaa helay (226, 092) 40.73%

Xisbiga UCID ayaa helay (23,141) 4.17%

Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Taariikhda Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi: 

Waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1948kii, waxbarashadiisii hoose/dhexe waxa uu kusoo qaatay magaalada Hargeysa.

1970kii illaa 1973kii waxa uu waxbarasho dhanka ciidanka ah kusoo qaatay dalka Ruushka

1981kii illaa 1982kii waxa uu tababar xagga ciidanka ah kusoo qaatay dalka Maraykanka.

1983kii illaa 1985kii waxa uu tagay tababar kale oo dhanka ciidanka ah isagoo kusoo qaatay tababarkaasna dalka Maraykanka.

Bishii May 1985kii waxa uu ku biiray ururkii dhaq-dhaqaaqa waddaniga soomaaliyeed ee SNM.

1993kii illaa 1995kii waxa uu ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee Somaliland.

Sanadkii 2002dii waxa uu kamid noqday golaha fulinta ee xisbiga KULMIYE.

2008dii waxa loo doortay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE.

2015kii ayaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha iyo musharraxa xisbiga KULMIYE.

Waxa uu ku hadlaa afafka; Soomaaliga, Carabiga, Ingiriisida iyo Ruushka.

Waxa uu leeyahay laba xaas iyo toddoba carruur ah oo ka kooban saddex wiil iyo afar gabdhood.

Dadka taageersan doorashadan ayaa u badnaayeen gobollada; Maroodijeex, Awdal , Sanaag, Saaxil, iyo Togdheer.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this