Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Shiinaha Oo 2 Milyan Doolar Ugu Deeqday UNICEF Si Loogu Caawiyo Caruurta Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in 2 Milyan oo doolar ay ugu deeqday hay’adda UNICEF si loogu caawiyo caruurta Soomaaaliyeed ee ku sugan Koonfurta iyo bartamaha dalka.

Qin Jian oo ah danjireaha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtaasi ay UNICEF gacan ka siin doonto iney adeeg gaarsiiso 15,000 oo caruur ah kuwaasi ay hayso nafaqo darro aad u baahsan.

“Annaga oo usii marineyna UNICEF, waxaan rajeeneynaa in dada ay dhibaatadu saameysay gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada fogfog aan gaarsiinno adeegyo naf badbaadin ah” ayuu yiri Mr. Jian.

Sidoo  kale Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaa naga go’an in aan taageerno howsha gargaarka bini’aadannimada ee ay hoggaamineyso dowladda Soomaaliya, waxaana ku faraxsannahay in aan UNICEF kala shaqeynno hubinta in la daboolo baahida kooxaha ugu nugul bulshada”

Ugu Dambeyn, Qin Jian ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay iyo dadkeeda ay kaalin weyn ka qaadandoonaan badbaadinta nolosha caruurta.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this