Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo la wareegay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen degaanka Maroodille oo ku yaalla duleedka Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxa ay sheegeen in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo halkaasi kulaa saldhig in ay ku qaadeen Weerar ka dibna ay degaanka qabsadeen.

Waxa ay sheegeen Al-Shabaab markii ay soo galeen degaankaasi in ciidamada dowladda Soomaaliya ay u baxeen dhanka Magaalada Baledweyne.

Deegaanka Maroodille oo dhaca galbeedka Magaalada Baledweyne ayaa halkaasi waxaa isbaaro u taalay ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Somaliya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal.

Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa Shabaab waxaa ugu suuragashay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaanka Maroodille, kadib markii halkaasi ay isaga carareen ciidamadii dowladda.

Ciidankii dowladda ee deegaankaasi isaga cararay ayaa gaaray Magaalada Baledweyne sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, balse ciidamada Al Shabaab ayaa hadda maamulaya gacan ku haynta deegaanka Maroodile ee Gobolka Hiiraan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamullka gobolka Hiiraan oo ku aadan hadalka Al-Shabaab ay baahiyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this