Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Maxaa kamid ahaa waxyaabaha uu sida gaarka ah RW Kheyre uga dalbaday Sheekh Shariif

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kullan Villa Somalia ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa si gaara Sheekh Shariif uga dalbaday inuu kaalin ka qaato xal u helida caqabadaha Siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan kuwa ay la kulmeyso dowlada.

Waxa uu Kheyre Madaxweynihii hore u sheegay in shaqsiyaadka qaar ee caqabada ku ah dowlada ay yihiin kuwo aan u muuqan horumarada ay sameyneyso dowlada, hase ahaatee ay dhibaato u arkaan in laga gudbo dhammaan dhibaatooyinka isbiirsaday ee ka jira dalka.

Waxa uu Kheyre usoo bandhigay Sheekh Shariif inuu gacan ku yeesho dadaalada lagu qaboojinaayo xasaradaha ka dhanka ah dowlada, maadaama uusan ka marneyn shaqsiyaadka laf-dhabarka u ah Somalia.

Kheyre ayaa si kaftan ah Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ugu sheegay in xubnaha qaar ay yihiin kuwo ku dhow dhow isla markaan la doonaayo inuu caburiyo xalna u raadiyo xaalada cakiran ee dalka.

Dowlada Somalia ayuu sheegay inay ku jirto dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Alshabaab oo la doonaayo in laga faramaruujiyo dhammaan goobaha ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa dhankiisa ka ballanqaaday in mudada uu joogo uu ka qeybqaadan doono xal u helida arrimaha leysku fahmi la’ yahay, isla markaana uu rajeynaayo in Siyaasada dalka ay caga dhigato.

Geesta kale, dowlada Somalia ayaa ku dadaaleysa xal u helida mowjado Siyaasadeed oo ku kacsan, waxaana lagu wadaa in maalinta beri ah ay kulan yeelan doonaan Madaxweynaha Somalia Farmaajo iyo Sheekh Shariif.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this