Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Gobolka Bari Oo Sheegay In La Qabtay Dad Ka Shaqeynayey Falal Amni Darro

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegay in magaalada Boosaaso ay ku qabteen dad ka shaqeynayey falal amniga ka dhan ah, islamarkaana shacabka lagu kicinayey.

Yuusuf Maxamed Waceys, guddoomiyaha gobolkaasi ayaa sheegay iney hadda hayaan 12 qof oo 4 kamid ah yihiin dumar, wuxuuna sheegay in hadda baaritaan lagu wado.

Dadkaan ay hayaan ayuu sheegay guddoomiyaha iney doonayeen iney kiciyaan shacabka Boosaaso oo maalmahan dambe aad u dhaliilsanaa shirkadda DP world ee lagu wareejiyey dekadda Boosaaso.

“Waxaan haynaa 4 dumar ah iyo 8 rag ah, waxaa ku jira Nabadoonno, waxay doonayeen iney dadka kiciyaan oo falal amniga ka dhan ah abuuraan, balse hadda su’aallo baa la weydiinayaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Bari ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ay jireen shacab badan oo dhigayey dibadbaxyo ka dhan ah shirkadda DP World ee lagu wareejiyey dekadda Boosaaso.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this