Deeq A. Posted November 21, 2017 Dowladda Maraykanka aya waxay xoojisay ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya, kuwaasi oo ka qeybqaata howlgallada lagu baacsanayo Al-shabaab iyo Daacish. Saraakiil ka tirsan wasaradda difaaca ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in tiro ahaan la kordhiyey ciidamadii Maraykanka ka joogay Soomaaliya, islamarkaana la gaarsiiyey illaa iyo 500 oo askari. Askartaan ayaa la sheegay iney caawinayaan dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ay xoojinayaan weerarada lagu baacsanayo Al-shabaab. Sidoo kale waxay saraakiishaan sheegeen in dowladda Maraykanka ay aad u ballaarisay qorshaha lagula dagaallamayo Al-shabaab iyo sidoo kale Daacishta Maraykanka. Dowladda Maraykanka ayaa 60-kii cisho ee ugu dambeysay waxay dalka ka fulisay weeraro lagu baacsanayey Xarakada Al-shabaab. Goobjoog News Source Share this post Link to post Share on other sites