Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Xoojiyey Ciidamada Ka Jooga Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Maraykanka aya waxay xoojisay ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya, kuwaasi oo ka qeybqaata howlgallada lagu baacsanayo Al-shabaab iyo Daacish.

Saraakiil ka tirsan wasaradda difaaca ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in tiro ahaan la kordhiyey ciidamadii Maraykanka ka joogay Soomaaliya, islamarkaana la gaarsiiyey illaa iyo 500 oo askari.

Askartaan ayaa la sheegay iney caawinayaan dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ay xoojinayaan weerarada lagu baacsanayo Al-shabaab.

Sidoo kale waxay saraakiishaan sheegeen in dowladda Maraykanka ay aad u ballaarisay qorshaha lagula dagaallamayo Al-shabaab iyo sidoo kale Daacishta Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa 60-kii cisho ee ugu dambeysay waxay dalka ka fulisay weeraro lagu baacsanayey Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this