Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxaa kala socotaa qorshaha adag ee Gaas uu u joogo Addis-Ababa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, kadib markii uu casuumaad ka helay Ra’isul wasaaraha dalkaas Hailemariam Desalegn.

C/weli Gaas, ayaa la xaqiijiyay in safarkiisa uu ahaa asbuuc ka hor balse sababo mashquul oo dhanka Ra’isul wasaare Hailemariam aawgii uu u baaqday.

Ilo ku dhow dhow C/weli Gaas ayaa laga soo xigtay in Socdaalka Hogaamiyaha maamulka uu yahay mid ku aadan taageero dhanka la dagaalanka al-Shabaab.

Waxa uu ilo wareedka xaqiijiyeen in C/weli Gaas uu Ra’isul wasaare Hailemariam Desalegn ka dalban doono saanad Militery oo ay isaga difaacan maleeshiyaadka ku sugan buuraaleyda Galgala ee Puntland.

Waxa intaa kusii darayaa in C/weli Gaas horay looga ballanqaaday ka garab istaaga la dagaalanka al-Shabaab, balse iminka uu ujeedku yahay in lagu caawiyo saanad Militery.

Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa C/weli Gaas, wax ka weydiin doona Heshiis ay dhawaan la galeen Shirkad Shisheeye oo ka qeybqaadaneysa dhismooyinka goobo muhiim ah oo ka tirsan Puntland, iyadoo la hakiyay heshiis hore loola galay Shirkad kale oo ay damaanad ka aheyd Ethiopia.

Geesta kale, Buuraaleyda Galgala ayaa waxaa ka howlgala maleeshiyaadka al-Shabaab iyo Daacish oo weeraro kala duwan horay uga geystay xarumo ciidan oo ay leedahay Puntland, taa oo dib usoo nooleysay rajada Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this