Sign in to follow this  
Deeq A.

Finance Minister Beyle Releases Budget

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka maaliyadda ee dowladda federaalka ah Xil. Dr. Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa maanta golaha shacabka hor-geeyay miisaaniyadda 2018-ka. Miisaaniyadda  2017-ka waxaa ay aheyd $245.9 Milyan balse middan cusub waxaa lagu sameeyay isbadal yar.

 

Wadarta Miisaaniyadda La Qoon-deeyay:

 

Miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si ay u meel-mariso hawlaha u qorsheysan sanad miisaaniyadeedka ka bilaabanaya 1-da Janaayo 2018 kuna dhamaada 31, December 2018 ayaa si hoos ku qoran loo qoondeeyay dakhliga khasanadda iyo lacagaha kale ee dowladda, sida lagu qeexay jadwal-kan. Wadarta miisaaniyadda ee loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah iyo tan rasumaalka wa sidan:

 

  1. (B) Kharash-ka joogtada ah:         US$ 260,171,727
  2. (T) Kharashka Raasumaalka:        US$ 14,458,464

 

      Wadarta Guud:    US$ 274,630,191

 

Haddii ay timaado hoos u dhac kharashaadka ah, waxaa mudnaanta la siin-doonaa:

 

  1. Raashiinka iyo Gunnooyinka ciidamada qalabka sida
  2. Khidmadda maaliyaddu ku shaqeyso(Banka iyo Gobolka)
  3. Mushaarooyinka/Gunooyinka shaqaalaha rayidka ah
  4. Gunnada Xildhibaannada iyo G/Wasiirada
  5. Mushaaraadka iyo Gunnooyinka gashibaxa ku jira ee ka soo wareegay sanadkii hore
  6. Adeegga iyo Agabka xafiisyada dowladda qaranka iyo gobollada
  7. Gashibaxa alaabta iyo qaamaha la hormarsaday

 

Qeybta Laga Qaadayo Canshuurta shaqaalaha dowladda

 

  1. 0-200 dadka dakhligooda yahay waa 0 ama waxba lagama rabo.
  2. 201-800: waxaa laga rabaa: 6%
  3. 801-1,500 waxaa laga qaadayaa: 12%
  4. 1501 iyo wixii ka sareeyay: 18%

 

Canshuuraha kale:

 

  1. Qaadka: 2.5 per Kg
  2. Noocyada Tobacco: $6 iyo midda magaadka $4, Sigaarka royal iyo Sports: $22, sigaar Benson $24.
  3. Bansiin iyo Gaas: $56.25, Naafto MT $50.00, Fuusto Bansiin: $12.50 iyo Fuusto Naafto, Gaas: $11.25
  4. Canshuuraha soo degayaasha iyo dhoofayaasha: $30
  5. Canshuurta Hotellada Muqdisho: 5% adeegga ay bixiyaan.
  6. Canshuurta iibka isgaarsiinta, Korontada iyo Biyaha:  dhammaan shirkadaha isgaarsiinta, korontada iyo biyaha waxaa waajib ah in ay bixiyaan canshuurta iibka sida tacrifada ku cad jaantuska hoose
  7. Isgaarsiinta: 15%, Korontada: 5%, Biyaha: 5% iyo Internetka iyo TVyada: 5%

 

Deeqaha ay Dowladda fileyso:

 

  1. Dowladda Turkiga oo sanadka laga helay 28,105,332 waxaa laga filayaa sanadka 2018-da illaa 20,000,000
  2. Dalka Sacuudiga oo sanadkan waxba aan bixin sida miisaaniyadda ku qoran waxaa laga filayaa sanadka 2018-dda illaa 32,360,000,
  3. Dalka Qatar waxaa sanadkan ay bixiyeen 10,000,000 isla 10-kaas Milyan  ayaa laga filayaa sanadka soo socda.

 

Source: Caasimada.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   
Quote
  1. Dalka Sacuudiga oo sanadkan waxba aan bixin sida miisaaniyadda ku qoran waxaa laga filayaa sanadka 2018-dda illaa 32,360,000,
 

 

If the Saudis didn't pay a penny in 2017, why are we expecting 32 million in 2018? Let me guess ... it is all about Qatar and Turkey. 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this