Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wefti Balaandhan oo Uu Hogaaminayey oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Addis Ababa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ee saaka 20 Nov 2017 u ambabxay dalka Ethiopia ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaasi, safarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markuu casumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Hailemariam Desalegn.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa kusoo dhoweeyey Wasiirada Arrimaha Dibadda, Gacasiga, Gaashandhigga, saraakiil ka tirsan Xasiifka Ra’iisul Wasaaraha iyo qunsulka Guud ee Qunsuliyada Ethiopia ee Soomaaliya.

Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxa ay kulan gaara kula qaaten qolka nasashada [VIP]  ee garoonka diyaaradaha Addis Ababa Wasiirada Arrimaha Dibadda, Gacasiga, Gaashandhigga ee dalkaasi Ethiopia, iyo Qunsulka Guud ee Qunsuliyadda Ethiopia ee Soomaaliya

Kulanka Madaxweynaha iyo Wasiirada dawladda dhexe ee Ethiopia ayaa waxa uu hordhac u yahay kulamo uu Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas la qaadan doono Madaxda ugu saraysa ee dalka Kaasi Ethiopia oo lagaga arrinsan doono arrimo  laxidhiidha ganacsi ee Puntland iyo Ethiopia ka dhexeeya, Amaanka iyo Siyaasadda guud ee Puntland iyo Soomaaliya oo dhanba.

Safarka Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa yimid kadib casumaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Hailemariam Desalegn, waxaana Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopa yeelan doonaan melinimada berito ee foodda inagu soo haysa kulan koodii ugu horeeyey ee safarkani.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.1-18.jpg?resize=1000%2C486 20171120_1232031.jpg?resize=1000%2C486 20171120_123212.jpg?resize=1000%2C486 20171120_123337.jpg?resize=1000%2C486

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wefti Balaandhan oo Uu Hogaaminayey oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Addis Ababa. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this