Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Farmaajo iyo Madaxda ugu sareyso Imaaraadka Carabta oo furmay iyo warar hordhac ah oo laga helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Abu Dhabi (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegayo inuu daqiiqado ka hor furmay Shirkii uu dhaxeeyey Madaxda ugu sareyso dalkaas iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkaas oo ah mid xasaasi ah oo ku saabsan sidii loo soo dhameyn lahaa mugdiga yar ee soo kala dhex galay dowladda Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa arrintaas ka wada hadlayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Dhaxal Sugaha dalka Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Zayed.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaas looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah  sida aan kasoo xiganay ilo wareedyo ka tirsan Wafdiga Madaxweynaha :

  1. In la tixgaliyo go’aanka Soomaaliya ee dhex dhexaadnimada ahaa oo ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka.
  2. Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka.
  3. Inay Imaaraadka ka qeyb qaadato dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.
  4. In meesha laga saaro dhammaan mugyadii labada dhinac soo kala dhex galay

Wararka hordhac ah ee aan hadda ka heleyno shirka ayaa sheegayo inay dowladda Imaaraadka Carabta muujineyso dabacsanaan siyaasadeed isla markaasna ay diyaar u tahay inay dowladda Soomaaliya ku tixgeliso go’aankii ay ka qaadatay Khilaafka Dowladaha Khaliijka sida ay sameeyeen dowladaha Sacuudiga iyo Masar oo Soomaaliya la leh xiriir wanaagsan.

Kulanka ayaa ku bilowday qaab wanaagsan, waxaana la filayaa inay labada dhinac wada gaaraan heshiis, waxaana dhawaan idiin soo gudbineynaa natiijada kasoo baxdo kulankaas oo qodobeysan Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this