Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab Laga Leeyahay Talyaaniga Oo Qabtay Rag Burcadbadeed Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Markab laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa gacanta ku dhigey Lix nin oo burcad Badeed ah, kuwaasi oo la sheegay iney doonayeen iney qafaashaan markab xamuul siday.

Markabka raggan qabtay ayaa lagu magacaabaa ITS Virginio, waxaana la sheegay in burcadbadeeddan ay weerarka qaadeen 17-kii ilaa iyo 18-kii bishan, iyaga oo Bambooyin ku tuuray markabka ay doonayeen iney qabtaan, hase ahaatee aanay u suurtagelin.

Afhayeen u hadlay markabka qabtay raggan ayaa sheegay in hadda ay ku howlan yihiin sidii ay raggaasi cadaaladda ku horgeyn lahaayeen.

Weerarkaan ayaa ka dhacay meel badda kaga beegan Koonfurta Soomaaliya, iyadoo maalmahan dambe ay dib usoo xoogeysanayaan howlagllada ay sameeyaan Burcadbadeedda.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this