Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaalin intee la’eg ayey Odayaasha dhaqanka ku yeelan doonaan dib u eegista Dastuurka dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in qiimeyn gaara ay u sameyneyso Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee laf dhabarka u ah dalka.

Wasaarada ayaa tilmaantay in Odayaasha dhaqanka ay ka qeybgalin doonto talooyinka dib u eegista dastuurka Soomaaliya ee iminka socda.

Wasaarada ayaa tilmaantay in iminkuba ay bilowday kulamo wadatashi ah oo ay la sameyneyso odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo ah Wasiir ku-xigeenka wasaarrada Dastuurka, ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen odayaasha dhaanka Soomaaliyeed uu yahay mid muhiim u ah geedi socodka dib u eegista lagu sameynayo qabyo Qoraalka Dastuurka Soomaaliyeed.

Waxa uu Dr. Xuseen Cabdi cadeeyay inay ka go’an tahay in Dastuurka lagu daro talooyinka Odayaasha dhaqanka oo uu sheegay inay muhiim u yihiin dalka.

Sidoo kale, gudoomiyaha guddiga Madaxbanaan Prof Maxamed Daahir Afrax, iyo Gudoomiyaha Guddigga Baarlamaanka, Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa si wadajir ah u tilmaameen muuhimadda odoyaasha dhaqanku u leeyihiin ololaha dib u eegista Dastuurka.

Waxa ay carab dhabeen in Odayaasha dhaqanka ay qaadan doonaan kaalintooda, isla markaana ay yeelan doonaan qiimo gaara.

Dhinaca kale, Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa dhankooda ka bilaabay inay isku biirsadaan fekerka lagu saxaayo Dastuurka Qaranka ee qabyada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this