Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada oo weerar ku ah Degmada ugu badan oo ay ku sugan yihiin Ajaaniibta ka tirsa Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Federaalka ah ay ku wajahan yihiin deegaano dhowr ah oo gacanta ugu jirta maleeshiyaadka al-Shabaab.

Deegaanada ay ku wajahan yihiin ciidamada dowlada ayaa waxaa kamid ah Degmada Sablaale ee Gobolka Shabellaha hoose oo xarun weyn u ah maleeshiyaadka Shabaab.

Ibraahin Aadan Cali oo ka mid ah Saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda ayaa sheegay in ahmiyad gaara ay u leedahay Degmada Sablaale ee Gobolka Shabellaha hoose oo ay ku sugan yihiin ajaaniib ka tirsa Kooxda.

Waxa uu sheegay Sarkaalkan in maleeshiyaadka ku sugan Degmada Sablaale aysan laheyn awood ay isaga difaaci karaan ciidanka Xooga dalka, waxa uuna tilmaamay inay diyaariyeen ciidankii weerarka ku qaadi lahaa Degmada Sablaale.

Waxa uu intaa ku daray in ciidamada dowlada ay si gaara ugu baahi qabaan inay dagaal la galaan maleeshiyaadka al-Shabaab

Geesta kale, caga jugleynta Saraakiisha ayaa kusoo beegmeysa, xili dowlada Somalia ay dhawaan shaacisay inay qaadeyso duulaan kadhan ah al-Shabaab, kaa oo dib loogu soo ceshanaayo deegaanada iminka ku jira gacanta maleeshiyada ee ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this