Sign in to follow this  
Deeq A.

Robert Mugabe Oo Qaban-qaabin-doona Shirka ZANU–PF Todobaadka Soo Socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Robert Mugabe ayaa xalay Khudbad u jeediyey dadweynaha Zimbabwe, taasi oo si toos ah looga baahinayey telefishinka Qaranka dalkaasi, balse Mugabe ma uusan sheegin inuu xilka iska casilay  sidii laga filaayey .

Madaxweyne Mugabe ayaa markuu khudbadda jeedinaayey waxaa ku hareereysnaa mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada millatariga iyo dowladda ,waxaa uuna uga hadlay khudbadiisa xaaladaha dalka, iyo xisbiga talada haya.

Mugabe waxaa uu hoosta ka xariiqay in uu isaga qaban-qaabin-doono shirka uu qaban-doono todobaadyada soo socda xisbiga talada haya.

Xisbiga talada haya ee The Zimbabwe African National Union  ayaa u magacaabay ku xigeenkii madaxweyne Mugabe hogaamiyaha cusub ee xisbiga talada haya, isaga oo lagu badalay Mugabe oo xilka xisbiga laga casilay.

Labo todobaad ka hor,  Robert Mugabe waxaa uu casilay ku-xigeenkiisa isaga oo jagadaasi la damac-sanaa xaaskiisa, arrintaas oo keentay in ciidamada soo faro-geliyaan oo howsha dalka la wareegaan.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this