Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar noociisu cusub yahay oo ka dhacay magaalada Muqdisho & Khasaare ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ku hubeysnaa Hubka noocyadooda kala duwan oo la socday Gaari nooca raaxada ah ayaa magaalada Muqdisho ku rasaaseeyay ciidamo ka tirsan dowlada.

Ciidamada la rasaaseeyay ayaa ku sugnaa barkootarool oo ku taalla xaafada Xamar Jadiid ee Gobolka Banaadir, waxaana lasoo warinayaa in weerarka kadib ay maleeshiyada ka baxsadeen goobta.

Weerarka ay maleeshiyada ku qaaden ciidamada ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhaawac u badnaa, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog ka ahaa weerarka.

Sidoo kale, dadka degaanka ayaa sheegay in mar qura ay maqleen rasaas fara badan oo hal dhinac ah, taa oo qalqal amni ku riday, sida ay sheegen.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Dowladda oo ku sugan aagga uu weerarku ka dhacay ayaa wuxuu sheegay in hal Askari uu ku dhaawacmay weerarka.

Weerarka noocaani ah ayaa ku cusub magaalada Muqdisho, waxaana intiisa badan looga bartay Gobolka Shabellaha Hoose, maadaama aanu horay loo weerarin barokoontarool oo ku dhexyaala bartamaha magaalada.

Hay’adaha amniga ayaan weli ka hadal weerarkaan cusub ee ka dhacay xaafada Xamar Jadiid ee Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this