Sign in to follow this  
Deeq A.

Seddax arrimood oo ku saabsan go’aankii baarlamaanka ee Qalbi Dhagax

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddigii golaha shacabka Soomaaliya ee loo xilsaaray in uu baaritaan ku sameeyo arrintii Cabdikariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax) ayaa soo saaray warbixin ay uga hor yimaadeen go’aankii dowladda ay ninkaasi ugu gacan gelisay Itoobiya.

Qalbi Dhagax wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ONLF, wuxuuna muddo ku noolaa Soomaaliya, balse dowladda ayaa ku wareejisay Itoobiya oo muddo raadineysay.

Hadaba maxaa laga dheehan karay warbixinta uu guddiga baarlamaanka Soo saaray.

1. “Isla xisaabtan”

Dhiibidii Qalbi Dhagax waxaa ka dhashay xanaaq ka dhan ahaa dowladda, waxayna dibadbaxyo ka dhaceen magaalada Muqdisho.

Ka dib baarlamaanka ayaa u saaray guddi baara kiiskaasi, waxayna sheegeen in ay wareysteen wasiirro, agaasimayaal iyo taliyayaal ciidan oo lala xiriirinayay dhacdada.

Sakariye Yusuf oo ku taqasusay sharciga ayaa BBC-da u sheegay in tallaabada baarlamaanka ay muujineyso in lala xisaabtamo dowladda, golaha shacabkana uu qabsaday shaqadii loo xil saaray.

“Awoodda qaranka waxaa iska leh sharcidejinta, ayagaana leh howsha xakameynta iyo dabagalka dowladda, ansixintana waa shaqadooda”, ayuu yiri Abukaate Sakariye.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: “Waa mid ka mid ah waajibaadka saaran oo ah in ay ogaadaan waxa dowladda qabatay ma sax baa mise waa qalad”.

Xildhibaanada arrinta loo xilsaaray ayaa sharcidarro ku tilmaamay dhiisbidii Qalbi Dhagax, waxayna sheegeen in “aan qof dambe dal kale loo dhiibin ayadoo aan la raacin sharciga dalka”.

Xildhibaanada qaar ee ka hadlay kullankii baarlamaanka ee lagu ansixiyay warbixinta baaritaanka ayaa dalbaday in “la soo celiyo Cabdkariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax)”.

Warbixinta oo golaha shacabka uu u codeeyay waxaa lagu lifaaqay heshiisyadii dowladda ay sheegtay in ay u cuskatay dhiisbidii Qalbi Dhagax, iyo shuruuc kale oo caalami ah.

2. Labada Go’aan (Midka baarlamaanka iyo kii xukuumadda)

Guddiga sameeyay baaritaanka ayaa sheegay in aan dhiibidda Qalbi Dhagax loo marin hannaan sharci ah. Xildhibaan Cali Yusuf (Cali Xoosh) oo gudoomiye u ah guddiga 15-ka xubnood ka kooban ee loo saaray baaritaanka arrintaas ayaa baarlamaanka u sharaxay wixii u soo baxay.

“Ka dib markii aan aragnay dhammaan dastuuradii Soomaaliya ay soo yeelatay tan iyo xurriyaddii 1960-kii, iyo shuruucda dalka marka ay timaado arrinta isu gudbinta eedeysanayaasha iyo dembiilayaasha, guddiga waxaa u soo baxday in gudbinta Cabdikariim Sheekh Muse (Qalbi Dhagax) aan loo marin hab sharci ah, lagana tala gelin hay’adaha garsoorka,” ayuu yiri Cali Xoosh.

Wuxuu intaa ku daray, “Waxaa arrinta maareysay hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka, laguna saleeyay go’aan ku saleysan qodob aan sugnayn oo la siiyay madaxda qaranka”.

Golaha Wasiirada ayaa horey u difaacay dhiibistii Qalbi Dhagax waxayna sheegeen in loo cuskaday labo heshiis oo kala ahaa:

  • Heshiis la saxiixay 07dii Juun 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
  • Heshiis kale oo la saxiixay 2dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. Heshiiskan waxaa Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.

Balse heshiisyadaasi ayaa horey loo dhaliilay sharci ahaantooda. Abukate Sakariye oo horraantii bishii Sebtembar la hadlay BBC-da ayaa sheegay: “Caadi ahaan waa in uu jiraa heshiis labada dowladood u dhaxeeya , waaba in baarlamaanka uu ansixiyaa, mana ka war hayo heshiis wadadaas maray oo loo cuskan karo in Qalbi Dhagax loo dhiibo” ayuu yiri Sakariye.

Hadaba labada go’aan ee kala ah midkii dowladda ay Itoobiya ugu wareejisay Qalbi Dhagax iyo kan hadda uu qaatay Baarlamaanka, midkee sax ah ama loo hoggaansamayaa?

Sakariye Yusuf oo khabiir ku ah arrimaha sharciga ayaa ku doodaya in dowadda ay qasab ku tahay in ay qaadato go’aanka uu baarlamaanka shalay gaaray.

“Dowladda dhexdeeda ayaa laga rabaa in ay masuuliyadda sii qaadato, oo wixii dhacay sidii ay ku sixi lahayd ah, sababtoo ah baarlamaanka go’aanka uu qaatay waa mid sharci ah,” ayuu yiri.

presentational grey line

Maxay tahay ONLF ?

  • Waa jabhad la asaasay sannadkii 1984tii oo sheegta inay u halganta xaqa ismaamulista ama madaxbannaanida dadka iyo dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho.
  • Jabhadda Xoreynta Ogaden ayaa waxa ay muddo dheer la dagaalamaysay dowladda Itoobiya, waxaana jira weeraro badan oo dowladda Itoobiya ay ku eedeysay jabhadan.
  • Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in la wiiqay awooddii ONLF ee gudaha.
  • Waxaa jabhadda guddoomiye ka ah Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo horey u ahaan jirey taliyihii ciidammada badda Soomaaliya,
  • Sannadihii dhawaa waxa ay dirir u dhaxaysay ciidamadda jabhadda iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,
  • ONLF waxa ay dowladda Itoobiya iyo dowlad deegaankaba ku eedeysaa xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, eedeymahaas oo markasta ay beeniso dowladda Itoobiya.
presentational grey line

1. ONLF iyo Qalbi Dhagax ma “argagixisa” baa?

Sida lagu qoray wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee SONNA, Guddiga baarlamaanka ee kiiska Qalbi Dhagax baaray wuxuu sheegay in “Jabhadda ONLF aan loo aqoonsan in ay tahay urur argagixiso balse sidoo kalena la tix galiyo siyaasadda dalka ee ku salaysan in aan aqoonsi iyo gabaad, midna la siin ururada hubaysan ee ka soo horjeeda nabadgaliyada iyo jiritaanka dalka iyo wadamada deriska ah iyo guud ahaan dunida inteeda kale.”

Xildhibaan Cali Yusuf (Cali Xoosh), gudoomiyaha guddiga baaritaanka sameeyay ayaa tilmaamay in “ay u soo baxday baaris ka dib in ONLF uusan caalamka u aqoonsanayn, aysanna ahayn urur argagixiso, maadaama aysan ku jirin diiwaanka argagixisada caalamiga ah.”

Markii uu sare u kacay dhaliishii dowladda loo jeedinayay ee la xiriiray Qalbi Dhagax, golaha wasiirada ayaa soo saaray go’aan ay ku sheegeen in ONLF iyo Al-Shabaab ay yihiin ururo argagixiso.

Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya bishii Sebtembar ayaa lagu sheegay in Qalbi Dhagax uu ahaa shakhsi ku howlanaa “falal lidi ku ah ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo gacan saar la lahaa kooxda Al-Shabaab.”

”Golaha Wasiirrada waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhex waday geyiga Soomaaliya iyo mandiqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab”, ayaa lagu yiri dhambaalka ka soo baxay dowladda, horraantii bishii Sebtembar.

Abukate Sakariye oo maanta BBC Somali la hadlay ayaa yiri: “Haddii baarlamaanka uu si aqlabiyad ah ugu codeeyay, wixii maanta ka dambeeya waxay noqoneysaa sharci in Soomaaliya aysan u aqoonsanayn, oo ONLF aan la dhihi karin waa argagixiso.”

“Go’aanka baarlamaanka ayaa maanta wixii ka dambeeya dalka ka noqonaya mid sharci ah, ONLF ma noqonayaan argagixiso, dalka dhexdiisana dembiilayaal kuma noqonayaan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this