Sign in to follow this  
Deeq A.

Arrimaha uu Farmaajo kala hadli doono Imaaraadka Carabta oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa gaaray dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxda dalkaasi UAE, waxayna ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid tahay “in la tixgaliyo go’aanka Soomaaliya ee dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka,” sida lagu qoray wakaaladda wararka ee dowladda federaalka ee SONNA.

“Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab,” ayaa sidoo kale la filayaa in ay isla soo qaadaan masuuliyiinta labada dal.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya midkii labaad ee uu ku tago Imaaraadka Carabta, tan iyo markii xilka loo doortay, balse safarkan wuu ka duwan yahay kii hore.

Khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka ayaa dhowaanahan saameen ku yeeshay siyaasadda Soomaaliya, kaas oo iska hor keenay madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada.

Kullan ay dhowaan ku yeesheen Muqdisho, madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamullada, waxaa si wayn la iskula soo qaaday khilaafka ka dhashay xaaladda khaliijka, inkastoo aan la shaacin waxa lagu heshiiyay.

Waxaa sidoo kale dalka Soomaaliya ka jiro gole ay ku mideysan yihiin maamullada federaalka kaas oo la dhisay markii uu baahay dhibaatada siyaasadeed ee ka dhalatay muranka ka dhex taagan Qadar iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka.

Dhowr maamul oo ka mid ah federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay la safteen xulafada Sacuudiga, ayna ka qeybgalayaan go’doominta Qadar. Waxay dowladda dhexe ugu baaqeen in ay ka noqoto go’aanka dhexdhexaadnimada ah, ayna la safato Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Dhanka baarlamaanka Soomaaliya waxaa loo gudbiyay mooshin ka dhan ah safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, kaas oo xildhibaanada qaar ay ku eedeeyeen in uu faragelin toos ah ku hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Imaaraadka wuxuu dhowaan dowladda Soomaaliya ku wareejiyay illaa 300 oo askeri, hub iyo gawaari, kuwaas oo ka mid noqon doona militariga dowladda.

Safarkii Farmaajo ee Sacuudiga

Madaxweyne Farmaajo ayaa horraantii bishii Oktobar u safray dalka Sacuudiga. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya xilligaas waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga mahadcelineyso Sucuudiga, sida joogtada ah ee uu u taageero.

Dowladda ayaa xilligaasi cadeysay in boqortooyada Sucuudiga ay ugu deeqday Soomaaliya, lacag gaareyso $50 milyan oo dollar.

Waxaa qoraal la soo saaray ka dib safarkii Farmaajo ee Sacuudiga lagu yiri: “Waxaan u mahadcelineynaa Boqortooyada Sucuudiga oo waqtigan baahida loo qabo, noogu deeqday $50 milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u danaynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena.”

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in boqortooyada Sucuudiga ay ka qeybqaadanayso dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo in deeqda lacageed “la soo gaarsiisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.”

Wasaaradda warfaafinta ayaa warkeeda ku sheegtay in safarkii Madaxweyne Farmaajo ee Sucuudiga lagu sii xoojinayay xiriirka labada dhinac ka dhexeeya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in lacagtaasi loo adeegsan doono kordhinta adeegyada dowladda ay u qabato shacabka, sida ku xusan qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.

“Deeqdan $50ka milyan ah ayaa lagu shubayaa Khasnada Dawladda ay ku leedahay Bankiga Dhexe, waxaana loo isticmaali doonaa si ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Dowladda Federaalku waxay la wadaagi doontaa warbixin hufan oo la xariirta qaabka kharashka loo bixiyey,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in “deeqdan ay xukuuumadda ka saacidi doonto sii joogteynta bixiinta mushaaraadka ciidanka, raashinkooda iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah.”

Waxaa intaas lagu daray: “Xiriirka walaaltinnimo ee qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga waa mid taariikh fog leh. Kaalmadaan oo waqtigan loogu baahi badan-yahay, waa mid ka tarjumeysa sida Boqortooyada Sucuudiga ay uga go’antahay garab-istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this