Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aankii BF ee Qalbi Dhagax: Awoodda sharci ee uu cuskaday iyo saameynta siyaasadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Tan iyo markii la dhiibay sarkaarlkii ka tirsanaa ururka “ONLF ” Waxa taagneed doodda ku saabsan dhiibidiisa, iyo in  ururka ONLF” loo aqoonsado argagixiso.

Go’aanka shalay uu qaatay Baarlamaanka kaddib xogtii guddiga baaritaanka ma aheen mid eey fillaayeen Dadka fallanqeeyo siyaasadda Soomaaliya, waxaase dhici karta in eey Jiraan wax yaallo soo dadajiyey.

Haddaba qormadaan waxaan ku eegi doonaa awoodda sharci ee loo cuskaday Go’aankaan iyo saameenta uu leeyahay dhanka siyaadda .

Ururka “ ONLF” ma yahay urur argagixiso?

Ururka”ONLF ” waa urur ah Gobnnimo udirir oo aas aasmay 1984, waxuuna udagaalamaa Sidii Dhulkii loo yaqaanay Soomaali Galbeed ama Ogaadeeniya ooga bixi lahaayeen Xukunka Dowladda Ethopiya, arrintaa oo aheed yiddiillo dad badan oo Soomaali ah, kunna Naf waayeen hal- gamaayl soomaaliyeed dagaaladdii soomaaliya iyo Ethopiya 1977.

Ururka ONlF ma aha urur udiiwaangshan ururadda argagixisidda, kumana jiro liiska Argagixisadda, Dowladda Ethopiya ayaa ka dalbtay Dowladda maraykanka horaan ineey ku darto liiska aragagixisadda, laakinn way diiday Washington Dalabka Addis Ababa.

Sababtoo ah waxaa jirto mabaaddii lagu heshiiyey caalamka, kuna jirto xeerka caalamiga ah ” International law” taas ah oo Tibaaxeeso shucuubta ineey xaq uleeyihii katashigga Aayahooda”  The right of peoples to self- determination“, Dadkana  aan lagu gumeesan Karin hab kasta oo loo maraba.

Waxaa xusid mudan Haay’ada xuquuqul insaanka udoodo  Ee “Human Raights watch ”  Ineey isku si u canbaareeso Dowlaada Ethopiya iyo Ururka ONLF, eeyna galaan labadaba Danbiyo lid ku ah xuquuqda aadanaha ” crimes Against Humanity” ee mid gooni ah eeysan Eed kala dul-dhicin.

Ururka waxuu xafiisyo kuleeyahay Wadamada Caalamka iyo kuwa Ethopiya Dariska la ah intaba, sidaas darted ma aha urur argagixiso ah waana sida eey guddiga sheegeen.

Hadaba Dastuurka iyo Shuruucda Soomaaliya maxay ka qabaan dhiibidda danbiille?

Marka laga hadlayo dhiibidda danbiilayaasha ama Eedeesanayaasha (Extradition), waxaa jiro labo nooc oo lakala qaado Danbiyo siyaasadeed “ Political crimes” iyo kuwa kasoo harey “Criminal offense.

Hadaba Dhamaan xeerarka caalamiga ah iyo Heshiisyada dunida ma ogolo in la dhiibo Danbiile siyaasadeed, xataa lagama gali karo Heshiis dhiibida Danbiile siyaasadeed, hadii lagalana waa mid aan waxbo kama jiraan ah.

Danbi siyaasadeed waxaa lagu qeexaa “midka loo galay dana siyaasadeed sida mid urur gobnimo doon ah, siyaasi is badal doon ah uu galay”.

Waana midka loo heesto saraakiisha “ONLF”, tusaale haddaan ku siiyo heshiiskii maraynka iyo Turkiga 1979, waxuu dhigaayey in la is waydaarsado Danbiilayaasha, marka laga reebo kuwa Danbi siyaasadeed loo heesto, oon heshiis laga gali Karin.

Waana sababta udiiday maraykanka wareejinta Fathulalli Gollan oo loo heestay Afganbiggii Dhicisoobay Ee turkigga.

Sharciyada uyaal Dalka soomaliya ayaa diidan dhiibidda danbiile siyaasadeed, Tusaale Xeerka ciqaabta soomaaliyeed, Q.11aad, Faqrada 3aad waxay aroneesaa: ma banaano Dhiibidda siyaasadeed.

Taasi waa midda guddiga eey sheegeen in lagu saleeyo dhiibid kasta inta laga soo saaraayo Sharcigga isucelinta danbiilayaasha.

Marka laga reebo Danbiyadda siyaasadda, ma aha in la iska dhiibi karo waxii kasoo haray, Sharciyada caalamiga ah waxay ilaalinayaan Xuquuqda dadka in lagu tunto, waxaana  lagu Xiray danbiilaha aan galin danbi siyaasadeed shuruudahaan soo socda:

  • inuu danbiga loo heesto ka yahay dani sharciyadda labada dalba
  • in uu jiro heshiis isucelin danbiilayaal oo udhaxeeyo labada dalba.
  • in xukun maxkamadeed ku dhacay oo qofka la wareejinayo.

Markii la helo shuruudaan ayaa waxaa wasaaradda arrimaha dibadda dowladda laga Rabo danbiilaha, laga codsan karaa wareejinta danbilaha, loona soo gudbinaya Galkiisa oo wato xukunka maxkamadda.

Dastuurka ku-meelgaarka ah Q.36aad Ee ka hadlaya arrinkaan ayaa oronayaa : waa in isucelinta eey tahay mid waa faqsan sharcigga, jirana heshiis Caalami ah oo ku waajibanayo soomaaliya celinta Danbiilo ama eedeesano, sidoo kale sharciga isucelinta waxuu uxilsaaray Dastuurka Baarlamaanka.

Sidaas ayuu go,aanka guddiga ucuskaday sharciyadda dalka, sidoo kale  markii lagalaayo heshiis sida  waa in lasoo mariyaa baarlamaanka sida ku qoran Dastuurka ku-meel gaarka ah Q.90, Faqradiisa (Q).

Arrinta kale ee mudan in la dhiira galiyo ayaa ah q.9aaad ee uddiga soo jeediyey taas Oo aheed waa in dib loo aruuriyo mucaahadooyinka (treaties), Cahdiyada (Conventions), Heshiisyada (Agreements), Is-afgarad (Accords), Baratakoollada iwm oo taniyo xorriyaddii 1960-kii ilaa hadda dib loo daabaco oo la badiyo, loona qeybiyo dhammaan hay’adaha Dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedyada, taas Oo caawin doonta haay,adaha dowladda, cilmi baarayaasha iyo dadka Daneeyo Soomaaliya dhamaan.

Saameenta siyaadadeed ee  go’aanka baarlamaanka .

Dhiibiddii qalbi dhagax waxay direesay farriin ah in soomaaliya eey ka gudubtay fikraddii soomaali wayn, dowladda itoobiyana eey qof doonto kala bixi karto Soomaaliya, taas oo ubilowday soomaaliya iyo itoobiya xariir cusub oo Saaxiibtinnimo ah.

Lkn go,aanka Baarlamanka ayaa ah farriin ka duwan taas , lagana aqrisanaayo Dadka Soomaalida ah inney yihiin kuwii 1960,1970 eeyna wali fikradii eey aaminsanyihiin  waxaa tusaale u ah 152 xildhibaan oo ku kala arragti duwan siyaasadda iyo Xisbinnimadda ineey isku raaceen codkooda ku aadan arrintaa.

Arrinkaan ayaa  saameen ku yeellan karo dagaalka dowladda eey shaacisay kaas oo la Sheegey in lagu afjaraayo shabaabka  itoobiyana eey ka tahay Lafdhabarka.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in eey jiraan wax yaallo soomaalida ka Mideesantahay si kasta ooy ukalla arragti duwantahay, taasna waa rajo wanaagsan oo Dabreeso damaca siyaasigga.

W/Q: Cali Sheekh Adam Yuusugf (Cali Soomaali)
Qoraa arrimaha sharcigga iyo siyaasadda
Kala Xiriir: calisomali400@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this