Sign in to follow this  
Deeq A.

Robert Mugabe oo sheegay in uu xilka sii haynayo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Robert Mugabe ayaa shaagay in uu xilka sii hayn doono todobaadyada soo socda,kadib khudbad si weyn loo sugayey oo uu ka jeediyey Television-ka dalkaasi.

Mr.Mugabe oo ay weheliyaan saraakiil sare oo militeri ayaa sidoo kale sheegay in uu shir guddoomin doono shirka xisbigiisa ay yeelanayaan bisha December ee soo socota.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa goor hore ku warrantay in Mugabe uu ogolaaday xilka in uu banneeyo,balse waxaa fajiciso noqotay markii uu shaaciyey warka la xiriira xilka in uusan ka degayn.

Xisbiga SANU-PF ayaa Axaddi ugu baaqay in uu isku -casilo wax ka yar 24 saac,haddii kalena ay xilka ka qaadayaan,waxayna ka ceyriyeen hoggaaminta xisbiga oo uu hayey tan iyo sannadkii 1980.

Mugabe oo ah 93 sano jir waa madaxweynaha keli ah ee uu yeeshay dalka Zimbabwe,kadib markii uu xorriyadda ka qaatay Waddanka Ingiriiska sannadkii 1980.

PUNTLAND POST

The post Robert Mugabe oo sheegay in uu xilka sii haynayo. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this