Sign in to follow this  
Deeq A.

Burcad-badeed markab ku weeraray xeebaha Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in ay badbaadiyeen markab shidaal oo lagu weeraray xeebaha Soomaaliya.

Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidanka Talyaanniga oo lagu magacaabo ITS Virginio Fasan,ayaa badbaadiyey markabka kale ee weerarka lagu soo qaaday,waxaana la qabtay lix ka tirsan Burcad-badeedda iyo laba doomood oo ay wateen,sida qoraalka lagu xusay.

Lixda nin ee la qabtay ayaa sitay qoryaha darandoorriga u dhaca iyo kuwa garbaha laga rido RPG,waxaana weerarka ay qaadeen intii u dhexaysay 17-18 bishaan Nov. Qoraalka laguma caddeyn halka weerarkaan si gaar ah uga dhacay,balse waxaa la sheegay in ahayd meel kamid ah badweynta Hindiya oo Koonfurta kaga beegan dalka Soomaaliya.

Qoraalka ay soo saareen Ciidamada la-dagaallanka Burcad-badeedda Midowga Yurub ee Xeebaha Soomaaliya laguma xusin waddanka laga leeyahay markabka la badbadiyey,halka uu ka yimid iyo dalka uu ku jeeday midna,laakiin waxa lagu sheegay in uu ahaa mid ganacsi oo sida shidaal. Sidoo kale lama shaacin magacyada lixda nin ee la qabtay.

Wixii ka soo kordha kala soco:PUNTLAND POST

 

The post Burcad-badeed markab ku weeraray xeebaha Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this