Sign in to follow this  
Deeq A.

Saad al-Hariri oo Talaadada Booqanaya Dalka Masar.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska ra’iisul wasaarihi is-casilay ee Lebanon Saad al-Hariri ayaa sheegay in uu Talaadada soo socota booqan doono dalka Masar si uu ula kulmo madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi,kadib sarakiisi waddanka France.

Al-hariri ayaa tan iyo Sabtidii joogay magaalada ee Paris , halkaasoo uu kula kulmay madaxweynaha France Emmanuel Macron, wuxuuna sheegay inuu ku soo laaban doono Lebanon maalinta Arbacada ah ee soo aaddan,si uu uga qayb galo xuska maalinta xorriyadda dalkiisa.

madaxweynaha Lebanon Michel Aoun ayaa diiday in uu aqbalo is-casilaadda Al-hariri ilaa iyo inta  uu gacanta uga dhiibayo warqadda istiqaalada,iyadoo xukuumadda dalkaasi ku baaqday in uu deg deg u soo laabto.

Axaddi Maanta Wasiirada Arrimaha debadda waddamada Carabta oo kulan ku yeeshay magaalada Cairo ayaa ka digay in Iran iyo Hezbollah dhibaato siyaasadeed ka abuuraan gobolka,gaar ahaanna dalka Lebanon.

Bayaan wada jir ah oo ay soo saareen ayey ku eedeeyeen ururka Hezbollah in uu taageero argagixisada ka jirta dalalka Carabta,balse waxaa kulanka ka maqnaa Wasiirka Arrimaah debadda Lebanon Gebran Bassil.

PUNTLAND POST

The post Saad al-Hariri oo Talaadada Booqanaya Dalka Masar. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this