Sign in to follow this  
Deeq A.

Mugabe oo ogolaaday in uu xilka banneeyo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Robert Mugabe ayaa ogolaaday in uu xilka ka banneeyo Axaddii Maanta,saacado kadib markii Xisbiga talada haya ee ZANU-PF party uu ka  qaaday hoggaaminta xisbiga oo uu muddo 37 sano hayey,sida uu sheegay xog-ogaal la socda wada-xaajoodka.

ZANU-PF party ayaa Mugabe u qabtay wax ka yar 24 saacadood in uu isku- casilo,haddii kalena xilka ay ka qaadayaan iskuday ah in si nabad gelyo ah uu ku dhammaado xukunkiisa,kadib inqilaabkii runta ahaa.

Il-wareed ayaa sheegay in militariga uu ka shaqeynayo is-casilaadda Mugabe,balse faahfahin ma bixin.

Idaacadda Zimbabwe ee ZBC ayaa sheegtay in madaxweyne Robert Mugabe uu goor dhow khudbad u jeedin doono qaranka. Xilli hore oo Axaddii Maanta ah,joornalka Herald newspaper ayaa baahiyey sawirada Mugabe oo xafiiskisa kula kulmaya saraakiil sare oo milireri.

Mugabe oo ah hoggaamiyaha keli ah ee waddamada  koonfurta Afrika oo xilka hayey tan iyo markii Zimbabwe xorriyaddeeda ka qaadatay Britain sannadkii 1980-kii, waxaa lagu bedelay Emmerson Mnangagwa, kuxigeenkiisi bishii hore la ceyriyay, kaas oo kiciyay faro-gelintii militariga ee bartamihi todobaadka.

X/Reuters

PUNTLAND POST

The post Mugabe oo ogolaaday in uu xilka banneeyo. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this