Sign in to follow this  
Deeq A.

Horjoogaha Shabaabka Kenya oo qarka u saaran inuu ku baxo gacanta argagixisada Somalia +Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wargeyska Standard Media, ayaa baahiyay inuu jiro khilaaf xoogan oo ka dhex aloosan Horjoogayaasha al-Shabaab iyo kuwa Kenya.

Khilaafka al-Shabaabka Somalia iyo kuwa Kenya ayaa sababay inuu baxsad noqdo Horjoogaha al-Shabaabka Kenya Axmed Iimaan Cali.

Sirdoonka dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen Hogaamiyaha Shabaab ee dalka Kenya Axmed Imaan uu doonaayo inuu ka baxo guud ahaan al-Shabaab, kadib markii uu yimid khilaaf.

Axmed Iimaan ayey isku dhaceen hogaanka sare ee al-Shabaab, kadib markii uu ka hor yimid dilal lagu fuliyay xubno ka tirsan dagaalyahanada Kenya oo lagu eedeeyay inay ku xiran yihiin Al-Shabaab.

Maleeshiyada Shabaab ayaa Magaalooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe ku dilay rag Shabaab ka tirsan oo Kenyan ah, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen inay jawaasiis ahaayeen.

Axmed Imaan oo arintaasi ka carooday ayaa Saraakiisha Sirdoonka dalka Kenya waxa ay sheegeen inuu la wadaagay hoggaanka Sare, balse wax laga qaban waayay.

Axmed Iimaan oo madax u ah Guutada Jeysh Al Ayman oo u badan dagaalyahano Kenyan ah oo ka bar bar dagaalama Al-Shabaab ayaa ka soo horjeestay qaabka al-Shabaab u fuliyaan dilalka dagaalamayaasha Kenyanka ah.

Axmed Iimaan oo madaxiisa la dul dhigay mallaayiin doolar ah, ayaa horay uga soo muuqday Muuqaalo ay baahisay Al-Shabaab oo u badnaa farriimo loo diray Kenya, waxaana uu caan ku ahaa soo jiidashada dhalinyarada ay Al-Shabaab ka qorato Kenya.

Dhinaca kale, Saraakiil ka tirsan Shabaab iyo Axmed Imaan ayaa hadda waxaa u socda wada hadal ku aadan sidii loo xalin lahaa khilaafka taagan, isla markaana hoggaamiyaha Shabaab ee Kenya shaqadiisa uu u wadan lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this