Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo heshiis nooc cusub ah la gashay shirkad Mareykan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Somaliya ayaa heshiis la geshay shirkad uu madax ka yahay senator hore oo Mareykan ah, taasi oo dowladda uga ololeyn doonta maamulka Trump iyo xubnaha aqalka Congress-ka.

Heshiiskan ayaa dhigaya in dowladda Soomaaliya ay 120,000 oo dollar siiso shirkaddan oo uu madax ka yahay Alfonse Marcello D’Amato oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, horeyna senate-ka ugu matali jiray gobolka New York, intii u dhaxeysay 1981-kii ilaa 1999-kii.

Heshiiskan oo hal sano ah, ayaa sidoo kale dhigaya in dowladda ay bixiso qarash kale oo gaaraya 36,000 oo dollar oo la siinayo shirkadda Park Strategies, kaasi oo ku baxaya qarashadaadka safarka iyo sidoo kale hotel-ka.

Screen-Shot-2017-11-19-at-10.01.28-AM.pnAlfonse Marcello D’Amato

Sida ku cad waraaqaha waaxda caddaaladda Mareykanka, heshiiskan ayaa ka mamnuucaya dowladda Soomaaliya in lacagta gargaarka uu u siiyo Mareykanka ay u adeegsato inay shirkaddan siiso.

“Shirkadda Park Strategies waxa ay bixin doontaa talooyin iyo olole ay ku mataleyso dowladda Somalia, si loo hormariyo xiriirka dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya” ayaa ku qoran heshiiska.

Taageerada Mareykanka ayaa muhiim u ah Soomaaliya. 10-kii sano ee tagay Mareykanka ayaa Soomaaliya ku bixiyey laba bilyan oo dollar, waxaana intaas dheer lacag 900 oo milyan oo dollar ah oo uu siiyey Amisom. Sidoo kale 720 milyan oo dollar oo Mareykanka ka timid ayaa lagu maal-geliyey howlgalka QM ee Somalia.

Heshiiskan ayaa imanaya ayada oo ay jiraan walaacyo ku saabsan musuq-maasuqa Soomaaliya, ayada oo dadka dhaliilaha jeediya ay Mareykanka ugu baaqeen inuu ka fakaro taageerada uu siiyo Soomaaliya, taasi oo dowladda walaac ku abuurtay.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka iyo QM ayaa warbixino ku sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan si wax ku ool ah ula dagaalami karin Al-Shabaab, kadib taageero badan iyo tababar ay ka haleen Mareykanka. Hogaanka ciidamada ayaa sidoo kale loo jeediyey eedeo la xiriira musuq-maasuq.

Mr. D’Amato oo xubin firfircoon ka ah xisbiga Jamhuuriga ee haya talada Mareykanka, ayaa awood u leh inuu saameeyo go’aanada Mareykanka ee Soomaaliya. Waxa uu saaxib dhow la yahay aqalka cad, isaga oo ka mid ahaa taageerayaashii Donald Trump intii uu ahaa musharaxa madaxweyne.

Heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda Park Strategies ayaa caadi ka ah Mareykanka, ayada oo dowlado badan oo caalamka ka tirsan, uguna cad cadahay Israel ay Mareykanka ku leeyihiin ururo iyo shirkado dantooda u ololeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this