Sign in to follow this  
Deeq A.

Robert Mugabe iyo Xaaskiisii Grace oo laga Xayuubiyay Hoggaamintii Xisbiga ZANU-PF

Recommended Posts

Deeq A.   

725_Ly9jb2ludGVsZWdyYXBoLmNvbS9zdG9yYWdl
Harare (PP) ─
Xisbul-xaakimka dalka Zimbabwe ee ZANU-PF ayaa ka qaaday maanta xilkii hoggaaminta xisbiga Robert Mugabe, iyadoo isla xilkan loo magacaabay madaxweyne ku xigeenkii dalkaas oo uu dhawaan shaqada ka eryay.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa ayaa lagu eedeeyay inuu shir-qoolayo Mugabe, iyadoo la sheegay in madaxweyne Mugabe uu qorsheynayay inuu xilkaas u magacaabo xaaska Mugabe oo lagu magacaabo Grace Mugabe.

Tallaabada hoggaanka xisbiga Zanu-PF looga eryay Mugabe ayaa billow u ah in xukunka laga qaado kaddib muddo 37-sano ah oo uu dalkaas xukumayay, iyadoo shacabka Waddanka Zimbabwe ay shalay dhigeen dibadbaxyo ay ku dalbanayana in Mugabe uu xilka uga dago.

Robert Mugabe oo 93-jir ah ayaa dalka Zimbabwe xukumayay tan iyo markii dalkaas uu xoorriyaddiisa ka qaatay gumeystihii Ingiriiska, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ciidamada dalkaas ay xukunka awood kula wareegaan.

Sidoo kale, Robert Gabriel Mugabe ayaa maanta oo Axad ah la filayaa inuu la kumo hoggaamiyayaasha militariga dalkaas, waxaana la arkayay Gawaari ka soo baxaysa gurigiisa gaarka ah ee magaalada Harare.

Chris Mutsvangwa oo ka mid ah xubnihii u soo halgamay xorriyada dalkaas, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay isu diyaarinayaan sidii ay Mugabe uga qaadi lahaayeen xilka madaxweynaha.

Dhanka kale, xubnaha Xisbiga ZANU-PF ayaa la sheegay inay awoodihii oo dhan ay ka qaadeen Grace Mugabe oo ah xaaska madaxweyne Mugabe oo haatan xabsi-guri ku jira, inkastoo aan la ogeyn halka ay ku sugan tahay.

Ugu dambeyn, Robert Mugabe ayaa laga rabaa inuu Talaadada soo socda uu si rasmi ah xilka madaxnimo ee dalkaas u wareejiyo, iyadoo haddii uu xilka ka tegi waayo la qaadan doono tallaabo xilka looga xayuubinayo.

PUNTLAND POST

The post Robert Mugabe iyo Xaaskiisii Grace oo laga Xayuubiyay Hoggaamintii Xisbiga ZANU-PF appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this