Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga ZANU-PF oo lagu wado inuu Maanta Go’aan kama dambeys ah ka gaaro Mugabe

Recommended Posts

Deeq A.   

mugabe-graduation-ceremony-03-ap-jef-171Harare (PP) ─ Xubnaha Xisbiga talada dalka Zimbabwe haya ee ZANU-PF ayaa waxay maanta oo Axad ah yeelanayaan kulan ay go’aan lagu sheegay inuu yahay kii ugu dambeeyay uga gaarayaan mustaqbalka hoggaamiyaha 37-ka sano soo xukumayay dalkaas ee Robert Gabriel Mugabe.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Zimbabe, Emmerson Mnangagwa oo uu ka eryay shaqada toddobaadkii hore ayaa la filayaa inuu kulankan goob-joog ka ahaado, sidoo kalena waxaa la fliayaa in xaaska Mugabe laga yaabo in xilka garabaha haweenka ee xisbiga laga qaado, isla markaana laga saaro xisbiga oo dhan.

Innocent Gonese oo ka tirsan hoggaanka baarlamaanka ayaa warbaahinta u sheegay in laga yaabo in Mugabe lagu soo oogo dacwado, wuxuuna xusay in xisbiga MDC-T iyo ZANU-PF ay kawada shaqeeyaan sidii hoggaamihahan 93-jir ah looga qaadi lahaa xilka.

“Haddii Mugabe uusan ka tagin xilka Talaadada soo socota, taasi waxay ku noqonaysaa dalka oo dhan caqabad weyn… waxayna ka dhigan tahay iyadoo qorraxdu aanay kasoo bixin dhanka bari,” ayuu hadalkiisa ku daray Gonese.

08204A29-32C1-4CF8-BDA0-490F065F5AFF_w15

Wiil uu adeer u yahay Mugabe oo lagu magacaabo Patrick Zhuwao ayaa isna u sheegay Reuters in adeerkii uusan diyaar u ahayn inuu kursiga banneeyo, illaa inta uu go’aansanayo, isagoo xusay in isaga iyo xaaskiisa ay diyaar u yihiin inay doonsitooda ku dhintaan.

“Adeerkey oo 93-jir ah caafimaadkiisu waa wanaagsan yahay, runtiina si aad u wanaagsan ayuu u hurday tan iyo markii ay ciidamadu xilka la wareegeen Arbacadii hore,” ayuu hadalkiisa ku darya Zhuwao.

Tallaabadan ayaan kusoo beegmaysa iyadoo shalay oo Sabti ahayd ay ka dhaceen qaybo badan oo Zimbabwe ka tirsan dibadbaxyo lagu dalbanayo in Mugabe uu xilka ka dago, iyadoo dadku ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen in waddanka lagu hoggaaminayo waddo ka duwan middii uu kusoo jiray 37-sano ee Mugabe uu xilka hayay.

91EE5D54-C5B8-431D-9946-B018BF589258_cx1

Dhanka kale, Madaxweyne Mugabe ayaa isaga qudhiisa laga yaabaa inuu la kulamo maanta saraakiisha hogaaminaya ciidanka xilka la wareegay, kuwaa oo la sheegay inay ku cadaadinayaan madaxweynaha inuu xilka ka dago si aanu dalka qalalaase u gelin.

Ugu dambeyn, Millateriga Zimbabwe ayaa ku adkysanay in tallaabada ay qaadeen aysan ahayn inqilaab, laakiinse ay tahay mid ay wax ku saxayaan, inkastoo Mugabe uusan doonayn inuu xilka ka tago.

PUNTLAND POST

The post Xisbiga ZANU-PF oo lagu wado inuu Maanta Go’aan kama dambeys ah ka gaaro Mugabe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this